Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Jabuuti Oo Laga soo Saarayo Tamarta Laga Dhaliyo Uumiga.(Sawiro)


sawir
Wed 11 July 2018.

Shirkad laga leeyahay dalka Iceland, ayaa dalka Jabuuti ka fulineysa Mashruuc balaaran oo dalkaasi looga soo saarayo tamarta uumiga ee dhulka hoostiisa (Geothermal), waxaana mashruucan ku baxaya lacag gaareysa 45 Malyan oo Doollar.

Shirkadan ayaa deegaan lagu magacaabo Fiicanle oo kuyaala dalka Jabuuti ka qodeysa Sadex ceel oo laga soo saarayo tamarta uumiga ee dhulka hoostiisa, Waxaa la filayaa in tamarta korantada ee seddexdaas ceel ay daboosho 25% baahida korantada ee Jabuuti.

Wasiirka dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ee dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in mashruucan dalkiisa muhiimad gaar ah u leeyahay, waxa uuna xusay in xiligan dunidu aad u rabto tamar nadiif.

Dalka Jabuuti ayaa rajo badan ka qabta in sanadka 2020-ka in 100% korantada ay isticmaalayso laga dhalin doono uumiga ka soo baxa dhulka hoostiisa, waxa ayna Jabuuti hada ku tiirsan tahay Tamarta korontada caadiga oo ah mid qaali ah.



3 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines