Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Shirkadda Telesom Oo Abaalmarino gudoonsiiyey Qaar ka Mida Macaamiisheedda.


sawir
Wed 12 September 2018.

Hargeysa – (TELESOM) - Shirkadda Telesom ayaa abaalmarino guddoonsiiyey macaamiil ku guuleysatay abaalmarinta la bixiyo bilkasta , abaalmarinaha ayaa isugu jirtay moobaylo casri ah, tablets, Mifi-yo iyo abaalmarino kale oo qaaliya.
Macaamiisha ku guuleystay abaal-marinahan ayaa ah macmiisha isticmaasha adeegyadda Internet-ka, ee 4G, 3G iyo 2G iyo sidoo kale macaamiisha isticmaasha adeegga aqoon-maal. Shirkadda Telesom ayaa bilkasta abaal-marino siisa macamiisheeda.
Maamulaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo iyo maamulaha Waaxda Suuq-geynta Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar) ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyada abaal-marinta la siiyey macmiisha guuleysatay iyo guud ahaanba arimaha ay shirkadda macmiisheeda ku abaal-mariso. Masuuliyiinta ayaan hambalyo u diray macaamiisha guuleysatay waxaanay macaamiisha kale ee aan wali ku guuleysan u rajeeyeen inay iyaguna ku guuleysan doonaan.

         
Halkan ka daawo warkan:



5 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines