Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dibu Dhac ku Yimid kusoo Noqoshada Xubinnimadii Eritrea Ee Urur Goboleedka IGAD Oo la Shaaciyay.


sawir
Wed 12 September 2018.

Waxaa dib u dhacay ku soo laabashada ay Eritrea ku soo laaban lahayd xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in ay maanta dhacdo, sida uu qorshuhu ahaa.

Wafdiga Eritrea ayaan imaanin madasha shirka, sidoo kale waxaana goobta kasoo xaadirin madaxweyne Isaias Afwerki.

Eritrea iyo madaxda dalalka IGAD midkoodna kama uusan hadlin.

Laakinse xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri "waa arrin wakhti uun ku xiran. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo".

Shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid nboqon doono shan madaxweyne ku xigeen.



4 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines