Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Somaaliland Oo Xabsiga Dhigay Wiil ku Labistay Dareeska Ciidanka Milatariga Somaliya.


sawir
Wed 12 September 2018.

Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo ku labistay kadibna sawir kusoo galay dareeska ciidanka Milatariga Somaliya.

Feysal Sugaal oo ah wiil qurbaha ka yimid ayaa lagu eedeeyay in uu xirtay dareeska Milatariga Soomaaliya kadibna sawiro uu kusoo galay ku baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebook.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin xariga wiilkan ku labistay dareeska ciidanka loogu geestay magaalada Hargeysa, waxaana xariga wiilkan warbaahinta u xaqiijiyay eheladiisa.

Dhacdadan lagu xiray wiilkan qurbaha ka yimid ee ku labistay dareeska Ciidanka Somaliya ayaa noqotay tii ugu horeesay, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa.



35 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines