Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo ka Hadlay Rabshado ka Dhashay Calanka Itoobiya.


sawir
Thu 13 September 2018.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka la hadlay ayaa argti fool xun ku tilmaamay in calanka dartii ay rabshado iyo iska horimaadyo uga dhacaan dalka.

Maalinti shalay ayaa waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda,iadoo ay Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Booliska dalka Itoobiyana waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen.

Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweeyo.

Bilihi la soo dhaafay muwaadiniinta dalka Itoobiya waxay bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Mareykankaba calankiisa wuxuu calankiisu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa.

Waa ineynu ka fikirnaa oo keli sidi dalka aan horumar u gaarsiin laheen noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen, ma aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara.



5 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines