Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle Oo U Yeeray Madaxweyne Waare.


sawir
Thu 13 September 2018.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, iyadoo uu soo baxayo warar sheegaya inuu socdo olole mooshin looga keenayo.

Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu yeereen magaalada Jowhar, inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo loo weydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wax laga weydiin doono xaalada amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo sababta keentay inuu wax ka qaban waayay balan-qaadyadii uu sameeyay intii uu Musharaxa ahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Waare ay la xisaabtami doonaan, isagoo ku dhaliilay in markii uu xilka qabtay dib u dhac fara badan uu soo wajahay Hirshabeelle mudadii sanadka aheyd ee uu xilka haayo.

Waxaa uu sidoo kale dhaliil ugu soo jeediyay inuu qeyb ka yahay go’aankii Maamul goboleedyada ee ay u hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana aysan la dhacsaneyn go’aankaas, cod dheerna ku diidayaan.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galay shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed, iyagoo aan culeysyadaas la qabin Madaxda maamulada kale ee ka qeyb galay shirkaas.



7 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines