Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhaariyay Garsoorayaal loo Magacaabay Maxkamadaha Gobolka Banaadir.(Sawirro)


sawir
Thu 13 September 2018.

Munaasabad ka dhacday maanta Xarunta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu dhaariyay Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda, hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxyaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

 



8 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines