Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Somaliland Oo Xabsiga ka sii Daysay Wiilkii Lagu Xidhay Labista Dirayska Ciidamada.


sawir
Thu 13 September 2018.

Faysal Sugaal oo dhawaan lagu xidhay Magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadiisa.

Faysal oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in uu iminka banaanka joogo isla markaana la soo daayay.

In kasta oo aanu ka hadal sababta loo xidhay, hadana waxa si weyn la isula dhex marayay in xadhigiisa uu ka danbeeyay ka dib markii uu ku labistay dirayska u gaarka ah ciidamada milatariga Somaliland.

Dhinaca kale wararka xadhigiisa la xidhiidha ayaa iyaguna sheegayay in uu dhaleecayn ujeediyay xukuumadda talada haysa isla markaana uu soo bandhigay qaabka ay ku sii dhisnaan karto Somaliland isaga oo isticmaalay weedho ay ka mid yihiin, Somaliland la wada leeyahay.

Geesta kale Xukuumadda ayaan iyaduna wax jawaab ah ka bixinin sababta loo xidhay Faysal Sugaal oo dib ugu soo laabtay Somaliland, ka dib markii uu in badan ku noolaa qurbaha.

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa intii u danbaysay uu dulqaadkeedu aad u yaraa, waxaana jira dad badan oo xabsiyadda loo taxaabay kuwaas oo falal kala gedisan lagu xidhay.



5 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines