Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

GOBOLKA AWDAL MUU KA LIITAA GOBOLADA KALE EE HANTIDOODA LA SOO CELINAAYO.??? BY AHMED JAMA

Share

sawir
Sat 15 September 2018.

(1) XAFIISKII GOBALKA oo callankii qarranku ka lusho  ayuu  iibsaday  Ganacsade(Cabdi xasan )

(2) Gurigii uu daganaa DC wakhtigii ingiriisku dalka haystay oo ah guri taariikhi ah kuna leh gobolka iyo dalkaba. Waxaana iibsaday isna 

Ganacsade (Cabdi xasan )

(3) hantidii ugu waynayd ee gobolka oo ah bartii ay ahayd warshadii laydhka ee Dawlada kana koobnayd dhul dhinac walba balaciisu yahay 120*120 =     

Iibsade Ganacsade ( idiris cunaanye ) ahna mulkiilaha HOTEL RAYS BORAMA)

 

 

 

Waxaan halkan maanta kaga hadlayaa mawduuc  aad u muhiim ah Waxaanan WAX ka odhan doonaa intii ilaahay iga garansiiyo aniga Insha allah mawduucani waa mid ku saabsan hantidii umada ee gobolka awdal gaar ahaan magaalada borama oo sifo ka baxsan sharciga ay dad gaar,ahi u qaateen.

Sidaasi darteed khatarta ay leedahay qabyaaladu wax lagu iibinaayoa sida ay sheegeen aqoonyahankeenu hore ayay uga hadleen qabyaalada kuna cadeeyeen suugaan iyo Murti .

 

maahmaahyo baa tidhaahda  (dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane)Maanta markasta oo jiritaanka soomaaliland aad aragto inay aqabado Ka hor imanayaan  ama waxa dawladeena iyo dalkeena  wax kaliya ee aan u soo jeedin lahaa, waar qabyaalada lagu iibinaayo hantida dadweynaha Hala joojo intii la iibsheyna halagu soo celiyo gacanta dawlada iyo shacabka.

 

Sidaasay tahay ma arkaysid cid cadaysanaysaa inta badan oo ku doonaysaa

Wanaag ama xumaan waayo waa wax qarsoon oo la qarsanayo (waxay

Soomaalidu ku maahmaahdaa waxaad qarsataaba way ku qarsadaan)bidaari sibiq ayay

Kugu gashaa waar hooy maanta xumaanteedu aad uguma muuqato bulshada 

Laakiin waxaan leeyahay waa masiibo soo socota oo u baahan in laga hortago,madaxweynaha waxaan odhanlahaa hantidaa shacabka u soo celi sharaftaada ayaa ku jirta.

 

Mudane madaxwayne waxaa is waydiinleh hantidada gobolka ka maqan matahay tu laga maarmi karo? Waa maya su,aashu,.

 

Mudane madaxwayne ma tahay bulshadu hadii aanay ka maarmayn hantidan In lasoo cesho  xataa haday bulshadu la diyaar tahay wixii kaga soo hagaagaya kharashka soo celinta hantidaas maqan ee lagama mar maan ka ah.

 

Mudane madaxwayne waxaa ay bulshadu gobolka awdal kaa sugaysaa go,aan in aad ka soo Saarto arinta budhcad dhuleedka ee ka dhacday boobka hantida qaranka ee gobolka awdal ee ay ku Tagri fallen si sharciga Dara ah shaqsiyaad aanan u naxay umada somaliland oo dhan.

 

Gudiga dabagalka hantida qaranka ee uu magacaabay madaxwaynuhu waxaa looga fadhiyaa soo cellinta hantidaas maqan ee Qaranku leeyahay

 

By Ahmed jama

Ahmedjama@hotmail.com

Paris France 

 


33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines