Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare Oo Maanta Gaaray Xarunta Galmudug Ee Dhuusomareeb.

Share

sawir
Tue 18 September 2018.

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga Aqalka sare ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, Maxamed Axmed Caalim iyo Xilibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug

Xubnahan ayaa u tagay magaalada Dhuusamareeb sidii xal loogu heli lahaa Xaaladda Galmudug iyo khilaafka soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda

Wafdiga ka socday Aqalka Sare ayaa Xarunta madaxtooyadda Galmudug ku booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyada oo halkaasi loogu sameeyay kulan soo dhaweyn ah.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ay booqashadooda ku soo beegantay iyadoo khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro maamul goboleedka Galmudug. Hore ayaa Guddiga ka socda Aqalka Sare waxa ay u gaareen magaalooyinka Garowe,Baydhabo iyo Kismaayo.

Hase yeeshee lama oga xilliga Guddiga Aqalka Sare ee loo qoondeeyay inay booqdaan Hirshabelle ay tegayaan xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar,iyadoo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeell ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.



6 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines