Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Amiirka Qatar Oo Saxiixay Labo Heshiis Oo ay Hore Ula Galeen Dawlada Somaliya.

Share

sawir
Tue 18 September 2018.

Amiirka dalka Qadar  Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa saxiixay heshiisyo ay horey u wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, waxaana heshiisyadan yihiin kuwa faa’iido badan ugu jirta Soomaaliya.

Heshiisyada uu saxiixay Amiirka dalka Qadar ayaa ah labo heshiis ay labada dowladood wada gaareen xiliyo kala duwan, waxaana saxiixa Amiirka kadib la filayaa in dhaqan galintooda ay bilaabato.

Labada Heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Qadar horey u wada gaareen ayaa kala ah heshiis ku saabsan dhinaca Adeega Duulimaadka iyo Heshiis kale oo isna ku saabsan dhinaca caafimaadka.

Heshiisyadan ayaa wafuud kala mataleysa dowladaha Soomaaliya iyo Qadar waxa ay horey ugu kala saxiixdeen magaalada Doha ee Caasimada Qadar  18/3/2015 iyo sidoo kale 14/5/2018.

Dowlada Qadar ayaa xiligan xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana Qadar ay balan qaaday in Soomaaliya ka taageereyso dhinacyo badan sidoo kale ka fulineyso mashaariicyo horu marineed.



7 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines