Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Boqorka Dalka Qadar Oo Diyaarada Ugu Qaalisan Dunida Ugu Deeqay Dawlada Turkiga.

Share

sawir
Tue 18 September 2018.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in amiirka Qatar uu dalkiisa ugu deeqay diyaarad qiimaheedu lagu sheegay 500 milyan doolar.

Erdogan wuxuu sheegay in amiir Sheikh Tamiim Al Thani uu dalka Turkiga ugu deeqay diyaaradda Boeing 747-8i kaddib markii uu maqlay in Turkiga uu danaynaya diyaraaddaasi isla markaasna uu ka tala jiray inuu soo iibsado.

Diyaaraddan ayaa lagu tilmaamaa diyaaradda khaaska ah ee ugu wayn ugu qaalisan adduunka.

Xildhibaanada mucaaradka Turkiga ayaa horraan walaac ka muujiyay in madaxweynaha uu doonayay in lacagaha dadweynaha uu u isticmaalo inuu diyaarad kusoo iibiyo taasina ay dalka qalalaase dhaqaale uu horseedi karto.

Turkiga ayaa garab istaagay dala Qatar kaddib markii ay go’doomiyeen qaar kamid ah dalalka carabta,wuxuuna raashin u diray dalkaasi.



13 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines