Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo goor-dhawayd Lagu Dilay Magaalada Beledweyne.

Share

sawir
Tue 18 September 2018.

Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako waxaa ay ku toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya  oo lagu magacaabi jiray Muumin Xassan Garaad.

Toogashada kaddib ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo kooxdii ka danbeysay dilka oo markiiba goobta ka baxsatay, ma jirto cid ilaa iyo hadda ay u qabteen ciidamada dilka sarkaalkan.

Kabtan Carab Yuusuf Nuur taliyaha ciidamada isku dhafka amniga Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada ay wada howlgal lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka.

Marmuumka ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.



5 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines