Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Loogu Baaqay inuu Saxiixo Xukunada Dilka Ee Maxkamadaha

Share

sawir
Wed 19 September 2018.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu saxiixo xukunada dilka ee ay rideen Maxkamaddaha.

Xildhibaanka oo shalay ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka sugayana inuu saxiixo dilalka Maxkamadaha ridaan ee qisaasta ah, si cid walba oo dil geysta loogu fuliyo wixii shareecadada islaamka ay qabto.

Waxaa uu sheegay inay maqleen in Madaxweynaha aanu saxiixi karin dilalka, maadaama uu heysto Baasaboor Mareykan ah, isagoo xusay in loo baahan yahay in Madaxweynuhu tixgeliyo sharciga dalka u yaalla iyo mida shareecada islaamka.

“Baasaboor Mareykan ah ninka heysta waxaa la leeyahay wax ma saxiixo karo, sida dilalka Maxkamadaha, qisaasta Alle ayaa caddeeyay, baasbaoor Mareykan waxaa ka muhiimsan tan qaranka iyo shareecada Islaamka, berri waa iska tuuri kartaa, Madaxweynaha waxaa ka codsaneynaa inuu saxiixo xukunada dilka”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Xaaji.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay badatay dilalka loo geysto dadka rayidka, sida dhalinyarada bajaajta, waxaana dilalka ugu badan geysta ciidamada dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay la fulin xukunada dilalka ee Maxkamaddaha ciidamada qalabka sida ay ridaan, waxaana la rumeysan yahay in Madaxweynaha uu leeyahay go’aanka kama dambeysta ee fulinta dilka ee ah saxiixiisa.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines