Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqeyn ay ka Fuliyeen Gobolka Sh/hoose ku Dileen Sarkaal ka Tirsan Alshaab.

Share

sawir
Tue 09 October 2018.

Ciidamada Milatariga ee Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqayn ay ka gaysteen deegaanka Kuunyo Baroow ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab.

Duqaynta ayaa taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM waxa ay sheegeen in ay qaadeen Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayna dad rayid ah wax ku noqon.

Ciidamada Maraykanka ayaa tan iyo markii uu sanadkan bilowday qaaday illaa 25 duqeyn iyadoo inta badan duqeyntana ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyo Jubbada Hoose.

Duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka geysanayaan dalka  Soomaaliya ayaan la ogeyn halka ay diyaaradaha fuliya duqeynta ay ka soo duulaan iyadoo saldhigga ciidamada cirka ee Ballidoogle ay isticmaalaan diyaaradaha ciidamada Maraykanka.



2 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines