Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacudi Carabiya.(Sawiro)

Share

sawir
Tue 09 October 2018.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu la yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta ku tegey booqasho rasmi ah magaalada Riyad ee xarunta boqortooyada Sacudi Carabiya kadib markii uu martiqaad ka helay madaxda dalkaas.

 



3 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines