Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Oo Raalli Gelin ka Bixiyay Hadalkii ka Careysiiyay Dadka ku Hadla Afka Maayga.

Share

sawir
Wed 10 October 2018.

Fadhiggii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka hor jeediyay wasiiru-dowlaha wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo raaligalin siiyay dadka ku hadla afka Maay’ga.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu wasiirku jawaab ay dhibsadeen bulshada ku hadasha Afka May'ga uu siiyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka oo su’aal ku weydiiyay Af Maay'ga, hasse ahaate wasiiru ku jawaabay’’ Malaha xildhibaanku  dad kale ayuu la hadlayaa, waayo waxaa ku anna waxaa ku hadlayaa Af '' Maxaa tiri'' isagan Af Maay ayuu ku hadalayaa' su’aashii-na wuu iska khasaariyay’’ taasoo ka careysiiyay xildhibaankii su’aasha weydiiyay iyo guud ahaanba bulshada ku hadaha afka Maay’ga

Guddoomiye Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wasiiru-dowlaha u sheegay in golaha hortiisa uu raali galinka bixiyo hadalkii uu dhax sheegay golaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisa si kale loo qaatay, islamarkaana uu raalin  buuxda uu siinaayo shacabka ku hadla Lahjadda Maay'ga.

Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale bulshada ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool ay uga xumaadeen hadal uu jeediyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, laakiin markii danbe maamulka Puntland ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii madaxweynaha.



3 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines