Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan la Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud.

Share

sawir
Wed 10 October 2018.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya, Xasan Cali Khayre  ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay waheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga.

 



3 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines