Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Shirkada DP World Oo Ku Gacan-saydhay Inay Dib Ugu Noqoto Maamulka Dekadaha Djibouti.

Share

sawir
Wed 10 October 2018.

Shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa sheegtay inaanay u qorshaysnayn inay ku laabato dalka Djibouti si ay u sii wado maamulka iyo gacan ku haynta dekeda Dooraale ee dalkaas, tan badalkeedana waxa ay sheegtay in ay culayska saari doonto inay maalgashato isla markaana maamusho dekeda Berbera ee Somaliland.

"Shirkadayada DP World ma rabto in ay ku laabato dalka Djibouti, waxa aan sii wadaynaa dacwada iyo in aan ku kala baxno sharciga caalamiga ah ee ay Dawlada Djibouti iyadu bilawday" ayuu yidhi Agaasimaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Bishii hore ayaa maxkamad ku taala London oo magaceeda la yidhaa London Court of International Arbitration (LCIA) ay xukuntay in Shirkada DP World heshiiskii ay ku maamulaysay Marsada ay Konteenaradu ka dagaan ee Djibouti uu yahay mid sax ah oo aanay Dawlada Djibouti iskeed uga bixi Karin loona baahan yahay in loo hogaansamo.

Mr bin Sulayem ayaa sidoo kale xusay in ay ahayd sifo qadhaadh oo qalafsan sidii ay ula dhaqantay dawlada Djibouti markii ay dalkeeda ka caydhisay shirkadiisa lana wareegtay marsada Djibouti ee ay maalgalisay.

"Djibouti waxa ay go’aansatay in ay daqiiqado gudahood ku badasho heshiiskii iyo xeerkii aan kala dhiganay, wixii intaas ka dameeyayna aniga waxay ila tahay in Djibouti aanay u qalmin in la maalgashado, DP World-na ma doonayso inay ku laabato dalkaasi"

Khilaafka u dhexeeya shirkadan iyo dawlada Djibouti ayaa soo shaac baxay kadib markii ay DP World bilawday inay maalgashato dekeda Berbera, waxana uu Bin Sulayem sheegay in go'aankoodaas aanu ahayn mid wax u dhimaya shaqada dekedaha Djibouti balse uu ahaa mid ka qayb ah kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, balse middaas way ku gacan saydhay dawlada Djibouti waxana ay qaramaysay marsada Dooraale ee ay DP World maamulaysay

DP World ayaa maamusha 78 boqolkiiba dekedaha in ka badan dakadaha 40 dal oo caalamka ah.



5 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




AwdalMedia Latest News Headlines